EURO

Xulka England Oo Barbaro La Dhaafi Waayey Xulka Scotland Tartanka Euro 2020.

Xulka qaranka England ayaa barbaro gool la,aan ah la dhaafi waayey xulka qaran-ka Scotland oo marti ugu ahaa garoonka Wembley ee magaalada London.

Ingiriis-ka oo kulankii furitanka guul kasoo gaaray xulka Croatia ayaa nasiib ku lahaa in aan laga badin kulankaan madama xulka Scotland ay qasaariyeen fursado dahabi ahaa oo gool loo filan karay.

Che Adams oo weerarka uga ciyaara Southampton ayaa ku sigtay bilaawgii ciyaarta inuu gool udhaliyo xulkiisa Scotnland kubad uu ka helay saxiibkiisa Stephen O’Donnel balse waxaa isku dhigay kubadaas dafaca xulka England John Stones.

Markale Stephen O’Donnel ayaa ku sigtay inuu hogaanka u dhiibo xulkiisa Scotland isagoo fursad cajiiba ku helay xerada ganaaxa xulka England balse goolhaye Pickford ayaa diiday iney dhalato kubadaas.

Xulka martida loo ahaa ee England ayaa ku dhowaaday markiisa inuu dhaliyo goolka furitaan-ka ee ciyaarta kadib markii John Stones birta kaga dhacdey kubad koorno aheyd uu madaxa la helay.

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa kusoo idlaatay barbaro gool la,aan taasi oo ka dhigan in xulka England uu kaalinta 2aad kaga jiro group-ka D isagoo leh 4 dhibcood.

Waxaa xidigii ugu wanagsanaa ciyaartii England iyo Scotland loo doortay da,yarka Chelsea iyo xulka Scotland Billy Gilmour oo kulankiisa ugu horeyey kusoo bilaawday tartan caalami ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *