EURO

Xulka Denmark Oo Si Layaableh Isaga Xaadiriyey Wareega 16-ka Euro 2020.

Xulka qaranka Denmark ayaa si layaab leh iska xaadiriyey wareega 16-ka Euro 2020 kadib guul weyn oo ay ka gaareen xulka qaranka Russia wuxuuna wajihi doonaa xulka qaranka Wales oo isagana usoo baxay wareega 16-ka.

Xulka Denmark ayaa ubaahnaa guul uu gaaro iyo guuldaro soo gaarta xulka qaranka Finland oo la ciyaarayey xulka Belgium si uu u xaqiijisto usoo bixitaanka wareega 16-ka Euro 2020.

Mikkel Damsgaard ayaa hogaanka u dhiibay xulkiisa Denmark qeybtii hore ee ciyaarta waxaana gool-ka labaad Denmark u dhaliyey weeraryahankooda Yussuf Poulsen.

Artem Dzyuba ayaa daqiiqadii 70-aad gool usoo celiyey xulkiisa Rusaia kadib markii uu dhaliyey gool kulaad loo dhigay xulkiisa, sidoo kale daafaca Chelsea Andrea Christensen ayaa dhaliyey gool-ka 3aad oo ahaa mid cajiib ah iyadoo goolka 4aad uu xulka Denmark udhaliyey Joakem Maehle.

Kadib dhamaadkii ciyaarta ciyaartoyda xulka Denmark macalinka iyo shaqaalaha tababarka ayaa isagu tagay garoonka dhexdiisa iyagoo ka warsugaya natiijada ciyaartii Belgium iyo Finland ee kusoo dhamatay 2-0 guusha ku raacdey xulka Belgium.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *