Premierleague

Xiliga Uu Bilaaban Doono Xili Ciyaareedka Cusub Ee Premier League-ga 2021/2022?

Xili ciyaareedka cusub ee Premier League-ga 2021/2022 ayaa bilaaban doona maalin sabti ah agoosto 14/2021 marka laga soo laabto Euro 2020 kaasi oo final-kiisa lagu ciyaari doono 11July garoonka Wemblay, xili ciyaareedka cusub ayaa socon doona ilaa 22 may 2022 iyadoo dhamaan kulamada furitaanka soo wada geli doonan isku waqti.

Xili ciyaareedka hada socda ee Premier League-ga 2020/2021 ayaa bilaawdey 12Septemper 2021 sababo la xiriira cudurka COVID-19 oo ka dilaacay gudaha ingiriiska wuxuuna dhamaan doona 23 May sanadkaan.

Xili ciyaareedka cusub ee Premier League-ga 2021/2022 ayaa la rajeynayey in uu bilaawdo 7da Agoosto 2021 balse kooxaha qaar ayaa ka soo horjeestay inuu waqtigaasi bilaawdo tartanka sabab la xiriirta tartanka EURO 2020 oo Final-kiisa la ciyaarayo 11 july 2021.

Isku aadka xili ciyaaredka cusub ee Premier League-ga 2021/2022 ayaa lasoo saari doonaa maalin Arbaco ah 16-ka June 2021.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *