EURO

Xidig U Ciyaara Xulka Qaranka Belgium Oo Isbitaalka Ladhigay Kadib Dhaawac Culus Oo Soo Gaaray.

Difaaca kooxda Leicester City iyo xulka Belgium Timophy Castagne ayaa la dhigay isbitaal kuyaala magaalada St Petersburg kadib markii uu ka jabay lafta godka isha kulankii xulka Belgiun 3-0 kaga badiyey xulka Russia.

Castagne ayey si xoogan isagu dhaceen xidiga xulka Russia Daler Kuzyaev qeybtii hore ee ciyaartii xulka Belgium 3-0 kaga badiyey Russia waxaana la xaqiiyey in uu seegayo inta ka harsan tartanka Euro 2020.

Tababaraha xulka Belgium Roberto Martinez ayaa xaqiijiyey in Castagne uu 2 meel ka jabay godka ishiisa sidaas darteedna uu seegayo inta ka harsan tartanka Euro 2020 waxaa sidoo kale dhaawac lagu saaray ciyaartaas Jan Vertoghen balse tababare Martinez ayaa hoos u dhigay inta uu la,eg yahaydhaawaca Vertoghen.

Xulka Belgium ayaa guul weyn ku furtay tartanka Euro 2020 kadib guushii 3-0 ka aheyd ee ay ka gaareen xulka Russia waxaana goolasha Belgium udhaliyey Munnier iyo lukaku oo dhaliyey 2

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *