EURO

‘Waxaan Umaleynaa In uusan Markale Ciyaari Doonin’ Rio Ferdinand Oo Ka Hadlay Aragtidiisa Ku Aadan Mustaqbalka Christian Eriksen.

Daafacii hore ee kooxda Manchester United iyo xulka England Rio Ferdinand ayaa ka hadlay mustaqbalka xidiga xulka Denmark iyo kooxda Inter Milan Christian Eriksen oo uu haleelay xanuun dhanka wadnaha ah ciyaartii xulkiisa Denmark guuldarada kala kulmay xulka Finland Euro 2020.

Ferdinand oo ka mid ah khubarada falanqeynaya tartanka Euro 2020 ayaa sheegay inuu ka naxay muuqalka, sidoo kalena uu rajeynayo in Eriksen uusan diirada saarin mustaqbalkiisa ciyaareed balse uu diirada saaro caafimaadkiisa iyo qoyskiisa.

Mar laweydiiyey in Erkisen uu ciyaari doono markale ayuu Ferdinand ku jawaabay: ‘daacad hadaan noqdo uma maleynayo in Christian Eriksen uu markale ciyaari doono.

Hadii aan isaga ahaan lahaa waxaan dooni lahaa inaan caafimad helo qoyskeyga dartood, waxaan rajeynayaa inuu tixgeliyo noloshiisa sidoo kale waxaan aad ugu kalsoonahay inuu sifiican usoo kabto taasi oo hada rajo fiican laga qabo ayuu hadalkiisa kusoo xiray Rio Ferdinand.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *