EURO

Waxaan Udhowaaday In Aanan Ciyaarin’ Daley Blind Oo Si Qiira Leh Uga Hadlay Xaalada Uu Galay Saaxiibkiis Christian Eriksen.

Daafaca xulka qaranka Holland Daley Blind ayaa si qiiro leh uga hadlay xanuunka wadnaha ee kusoo booday saaxiibkiisa ay isku kooxda soo noqdeen Christian Eriksen intii lagu jiray kulankii dhexmaray xulalka Denmark iyo Finland Euro 2020.

Eriksen oo istaaga ka dhacay dhamaadka qeybtii hore ee ciyaartii furitaanka xulkiisa Denmark layeeshay xulka Finland tartanka Euro 2020 ayaa loola cararay isbitaal ku yaala Denmark waxaana dhaqaatiirtu xaqiijiyen inuu roonyahay kadib baaritaano lagu sameeyey.

Daley Blind oo 4 sano kaso garab ciyaaray Christian Eriksen kooxda koowaad ee Ajax ayaa warbaahinta caalamka ka codsaday in aysan ku mashquulin xaalada caafimaad ee Christian Eriksen iyo mustaqbalkiisa ciyaareed.

Xidigii hore ee Manchester United Blind ayaa 2 jeer istaaga ka dhacay dhowr sano kahor kadib xanuun wadnaha uga soo booday waxaana lagu xiray qalabka loo yaqaan ICD si uu ciyaarista kubada cagta usii wato.

Blind oo labadaly qeybtii labaad ciyaar xulkiisa 3-2 uga badiyay Ukraine Euro 2020 ayaa ilmeeyey intii uu wareysiga bixinayey wuxuuna sheegay in uu ku dhowaaday in uusan ciyaarin kadib markii uu arkey waxa ku dhacay saxiibkiisa ay Ajax usoo wada ciyaareen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *