Premierleague

“Waxaan Kamid Ahay Xidigaha Ugu Goolasha Badan Kooxda” Sterling Oo Ka Hadlay Qaab Ciyaaredkiisa Xili Ciyaaredkan Iyo Final-ka Champions League-ga.

Inkastoo Manchester City ay ku jirto xili ciyaaredkii ugu fiicnaa abid iyagoo ku guuleystay Premier League -ga sidoo kalena gaartay final-ka Champions League-ga markii ugu horeysay taariikhda hadana Sterling sanadkaan uma aheyn sanad qurux badan madama uusan waxbadan kasoo muuqan safka kooxda Man City.

Garabka xulka qaranka England ayaa dhaliyey kaliya 14 gool xili ciyaaredkan marka lala barbardhigo xili ciyaredkii hore oo uu dhaliyay 31 gool isagoo kursiga keydka fadhiyey qeybtii dambe ee xili ciyaaredkan iyadoo Pep Guardiolla uu ka doorbidey xidigaha Phil Foden iyo Riyad Mahrez safka weerarka.

Sterling oo u waramayey Times of Inida ayaa qirtay inuusan u dhaweyn heerarkiisii ​​caadiga ahaa, wuxuuna yiri: “Waxaan ku fiicnaan karaa dhinacyo badan, laakiin waxyaabo badan ayaa soo mara xilli ciyaareed kasta kubbadda cagta, sidoo kale waxyaabo badan oo taageerayaasha iyo saxafadu aysan arkin”.

“Marnaba ma fahmi doontaan isla waqtigaas, qof walba wuxuu leyahay fikradiisa xili ciyaareedkayga marka lagaaro dhamaadka xili ciyaareedka, hadii aad fiiriso xitaa kooxda bilooyinkii ugu dambeeyey ee aan seegay kulamada qaar anigu weli waxaan ahay xidiga 2aad ama 3aad ee ugu goolasha badan kooxda” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Raheen Sterling.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *