Xulalka

“Waxaan Heysanaa Wax Walba” Rashford Oo Ka Hadlay Rajada Xulka England Ee Euro 2020.

Marcus Rashford ayaa rumeysan in England ay heysato wax walba oo ka caawin kara ku guuleysiga Euro 2020 sanadkaan isaga oo yiri “England waxa ay leedahay sanadkan karti iyo aaminaad buuxda”.

Tababaraha England Gareth Southgate ayaa soo bandhigi doona 26-ka xidig ee xulkiisa uga qeyb galaya Euro 2020 iyadoo la rajeynayo inuu ku dhawaaqo xulkiisa 25-ta May Maanta oo dhalaado ah 1-da duhurnimo.

Weeraryahanka Manchester United Marcus Rashford ayaa 40 kulan u saftay xulkiisa England isagoo udhaliyey 11 gool waxaana uu ka mid ahaa kooxdii gaartay Semi-finalka Koobka Adduunka 2018.

23-sano jirkaan ayaa rumeysan in xulka England ee hada uu wax ka bartay, waayo-aragnimana ka helay koobkii aduunka isla markaana ay sifiican usoo diyaar garooben markaan “Waxaan helnay fursad wanaagsan kartida kooxda waa mid aad u sarreysa sidaan arkay,” ayuu Rashford u sheegay Men’s Health UK.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *