EURO

Waxaan Dheeli Doonaa Kubad Ku Dhisan Dagaal’ Antonio Rudiger Oo U Hanjabay Weeraryahanada Xulka France Kahor Kulankooda Euro 2020.

Daafaca kooxda Chelsea iyo xulka qaranka Germany ayaa hanjabaad hawada uma riyey xidigaha weerarka uga ciyaara xulka Faransiiska ka hor kulankooda furitaanka ee Euro 2020.

Rudiger ayaa sheegay in xulka Germany uusan ciyaari doonin kubad jilicsan taa badalkeedana ay ciyaari doonaan kubad ku dhisan dagaal marka xaaladu noqoto hal iyo hal.

Daafacyada Germany ayaa wajihi doona weeraryahano tayo badan oo ay kamid yihiin Kylian Mbappe, Karim Benzema, Antonio Griezman iyo weeraryahanka Chelsea Olivier Giroud.

Dabcan waxey heystaan weeraryahano wanaagsan waa inaan u diyaargarowno dagaalka kubadaha hal iyo halka ah sidoo kale waa in aynaan ciyaarin kubad jilcan ayuu Rudiger usheegay warbaahinta kahor ciyaarta xulalka Germany iyo France ee Euro 2020.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *