Laliga

Waxaan Dareemay In Naadiga Aysan Igu Qabin Kalsoonida Aan Ubahanahay” Zidane Oo Ka Hadlay Sababta Uu Uga Tagay Real Madrid.

Tababarihii hore ee Real Madrid Zinedine Zidane ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez inuu ka dambeeyo ka tagida shaqada Real Madrid xilli ciyaareedkan dhamaaday ,

Tababaraha reer France ayaa sharaxay sababta ugu wayn ee uu uga tagay Real Madrid isaga Oo Florentino Perez ku dhaleeceeyay inuu ku fashilmay inuu taageero shaqadiisa Real intii uu socday qaab ciyaareedkii xumaa ee Real Madrid xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Zidane ayaa Real Madird uqaaday seddex Champions League iyo labo horyaalka Spain ee La Liga isagoo laba jeer oo kala duwan maamulay kooxda Real balse wuxuu go’aansaday inuu isaga tago Real markii labaad ka dib xili ciyaareed-kii ugu horeeyay ee koob la’aan ay noqoto Real Madrid tan iyo 2009-10.

Warqad macsalaameyn ah uu uqoray tagerayaasha Real Madrid ayaa sidaan uqorneyd: “waaan tagayaa maxaa yeelay waxaan daremay in naadiga aysan igu qabin kalsoonida aan ubahanahay iyo taageero buuxda oo an kudhiso naadiga waqtiga dhow iyo midka fog”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *