EURO

‘Waan ka Xumahay Inaan Ku Guuldareystay’ Kylian Mbappe Oo Fariin Qiiro Leh U Diray Taageryaasha Xulka France Kadib Guul Daradii Kasoo Gaartay Ee Euro 2020..

Weeraryahanka kooxda PSG iyo xulka France Kylian Mbappe ayaa fariin raali gelin ah u diray ciyaartoyda iyo dhamaan tageerayaasha xulka qaran-ka France ka dib markii uu qasaariyey rigooradii ugu dambeysay ee xulkiisa taasi oo sabab u noqotay in France ay ka harto tartanka Euro 2020.

Xulka qaran-ka Switzerland ayaa rigooreyaal 5-4 ah kaga badiyey xulka France kadib markii waqtigii loogu talagalay ciyaarta iyo 30 daqiiqo oo lagu daray ay ku soo dhamaatay barbaro 3-3 ah.

Kylian Mbappe ayaa sheegay in uu aad uga murugsanyahay in xulkiisa France uu ka haray tartanka Euro 2020 isagoo sidoo kale sheegay in taasi ay sababi karto inuu soo jeedo habeenkii oo dhan.

Mbappe ayaa sidoo kale Instagram-kiisa kusoo qoray “waan ka xumahay rigooradii aan qasaariyey, waxaan doonayey in aan ku caawiyo xulkeyga France balse waan ku guuldareystay, waxeyna taas adkeyn doontaa in aan jiifto, laakiin nasiib daro tani waa kor u kaca ama hoos u dhaca kubada cagta aan aadka u jeclahy”.

“Waxa ugu muhiimsan waa in aad soo laabato markale adiga oo xoogan mustaqbalka, hambalyo iyo nasiib wacan xulka qaranka Switzerland” ayuu qoraalkiisa Instagram-ka kusoo xiray Kylian Mbappe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *