Uncategorized

Waa Sidee Xaalada Caafimaad Ee Christian Eriksen Kadib Baaritano Lagu Sameeyey.

Xidihii hore ee kooxda Totenham Hotspur haatana u ciyaara kooxda Inter Milan Christian Eriksen ayaa mar qura istaaga ka dhacay iyadoo aysan cidina u dhoweyd ciyaar u dhaxeysay xulalka Denmark iyo Finland tartanka Euro 2020.

Ciyaartoyda labada xul taageerayaasha iyo dhamaan bahda ciyaaraha caalamka ayaa aad uga naxay xaalada kadiska ah ee uu galay Christian Eriksen waxaana ay urajeyeen wanaag.

Xiriirka kubada cagta ee Denmark ayaa xaqiijiyey haatan in Eriksen uu miyir qabo waxaana ay sheegen in uu mari doono baaritaano caafimaad oo dheeri ah.

Bahda ciyaaraha ee ka hadlay xaalada Eriksen waxaa ka mid ah Gary Lineker oo yiri: waa mid kamid ah muuqalada ugu xanuunka badan ee aan ku arkey kubada cagta waxaan soo xasuustay Fabricio Muamba uu istaaga ka dhacay.

Sidoo kale Fabregas ayaa yiri : Ma aqano wax aan dhaho jirkeygu wuu gariirayaa, waxey aheyd daqiiiqad aad u murugo badan waxaan ka fakarayaa qoyska Eriksen xalada ay ku suganyihiin waxan sidoo kale u rajeynayaa wanaag.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *