Premierleague

Uma Baahna Waqti Dheer Uu Ku Bogsado” Kevin De Bruyne Oo Ku Biiray Xulka Belgium Ee Euro 2020 Kadib Qaliin Lagu Sameeyey..

Kubad sameeyaha Manchester City Kevin De Bruyne oo dhawac uu soo gaaray Final-kii Champions League-ga ayaa ku biiray xulka qaranka Belgiun ee ciyaaraya tartanka Euro 2020 kadib qaliin 20 daqiiqo qaatay oo lagu sameeyeygodka ishiisa.

Tababaraha xulka Belgium-ka Roberto Martinez ayaa sheegay in Kevin macquul tahay inuu seego kulanka furitaanka tartanka Euro 2020 ay la ciyaari doonan xulka Russia 12 juun.

De Bruyne ayaa maray qaliin godka isha ah kadib markii final-kii Champions League-ga isku dhaceen Antonio Rudiger wuxuuna xiran doonaa mask wajiga ah inta lagu jiro tartanka xiisaha badan ee Euro 2020.

Belgium-ka ayaa kulankooda furitaanka tartanka Euro 2020 la ciyaari doona Russia ciyaar ka dhici doonta St Petersburg 12 juun maalin sabti ah wuxuuna kulanka labaad la ciyaari doona Denmark 17 juun kahor inta uusan kulanka ugu dambeeya guruubka B la ciyaarin xulka Finland 21 juun.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *