Premierleague

Tottenham Oo Wadahadalo Hordhac Ah La Furtay Tababare Paulo Fonseca.

Kooxda kubada cagta ee Tottenham Spurs ayaa la fahansanyahay iney wadahadalo hor dhac layeelatay tababarihii hore ee kooxda Roma Paulo Fonseca oo waqtigani shaqo la,aan ah.

Gudoomiyaha kooxda Tottenham Dany Levy ayaa isku dayaya inuu Paulo Fonseca ku qanciyo qabashada shaqada kooxda Tottenham xili ciyaareedka soo socda madama Levy uu ku guuldareystay inuu dib usoo celiyo tababarihii hore ee kooxda Mauricio Pochetino oo go,aansaday inuu baaqi kusii ahaado shaqada kooxdiisa PSG.

Levy ayaa sidoo kale isku dayey inuu kooxda Spurs keeno tababarihii hore ee Chelsea Antonio Conte balse waxay isku fahmi waayeen heshiisyada hordhaca ah sidoo kale Levy ayaa isku dayey tababaraha kooxda Leicester City Bredan Rodgers balse Rodgers ayaa doortay inuu kusii nagaado shaqada kooxdiisa Leicester City.

Fonseca oo horey usoo maamulay kooxaha kala ah Porto, Paços de Ferreira, Braga, Shakhtar Donetsk iyo Roma ayaa la rumeysanyahay in Tottenham uu ka helay dalab sadex sano ah waxaana laga yaaba inuu noqdo tababaraha cusub ee Tottenham saacadaha soo socda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *