Premierleague

Totenham Oo Udhaqaaqday Maurizio Sarri Badalka Jose Mourinho.

Kooxda kubada cagta ee Totenham ayaa udhaqaaqdey badalka tababarihii hore ee jose mourinho oo ay ceyrisay isbuucan gudihiisa.

Sida ay ku warameyso Football Italia, totenham ayaa isha kuheysa tababarihii hore ee chelsea Sarri.

Tababaraha reer Talyaani ayaa horey hal xilli ciyaareed ugu qaatay Premier League isaga oo tababare u ahaa xiligaasi kooxda Chelsea waxaana loo soo bandhigi karaa fursad uu ugu laabto London.
Waxaa la sheegayaa sidoo kale in Tottenham ay xiriir la sameysay wakiilka Sarri ee Fali Ramadani ka dib markii ay ceyriyeen Mourinho.

Tababarihii hore ee Blues ayaa shaqo la’aan ah kadib markii uu ka tagay kooxda Juventus dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore, Si kastaba ha ahaatee, wuxuu weli heshiis hore kula jiraa kooxda juventus.

Lkn Juventus ayaa ushegi karta koox kasta oo dooneysa iney sarri kadhigato tababaraheda cusub iney bixiso inta kadhiman qandaraaskiisa. Laakiin Sarri ayaa doonaya inuu dib ugu soo laabto dhaqada waxaana laga yaabaa inuu sii joogo Serie A waxaana lala xiriirinayaa shaqada tababarenimo ee kooxda Roma, taasoo la filayo inay bannaanaato dhammaadka xilli ciyaareedkaan. Laakiin haatan Tottenham ayaa isku dayaysa inay afduubato wada hadaladaas si ay uga dhigato tababareeha cusub.

One thought on “Totenham Oo Udhaqaaqday Maurizio Sarri Badalka Jose Mourinho.

Leave a Reply to abdulahi hassan Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *