Premierleague

Thiery Henry Oo Amaan Balaaran Ujeediyey Da,yar U Ciyaara Arsenal.

Halyeeygii hore ee xulka qaranka France iyo kooxda Arsenal Thiery Henry ayaa amaan balaaran kala dul dhacay xidig yaraha Arsenal iyo xulka England Bukayo Saka kadib bandhigiisii wanaagsana ee xili ciyaareedkan.

19-jirka reer England ayaa ka mid ahaa ciyaartoydii ugu wanagsaneyd Arsenal xili ciyaareedkan inkastoo kooxdiisa ay ku dhameyasatay kaalinta 8aad kala sareynta horyaalka ingiriiska.

Saka ayaa looga yeeray xulka waaweyn ee England kaga qeyb galaya tartanka Euro 2020 isagoo dhaliyey goolkiisa ugu horeeyey ee xulka England ciyaar saaxiibtinimo oo ingiriisku 1-0 kaga badiyey xulka Austria.

Henry ayaa soo maamulay Saka intii uu ahaa tababaraha 18-jirada Arsenal wuxuuna sheegay inuu layaabay inuu arko dadaalka iyo kartida uu layimid Saka iyo sida uu uga mid noqday kooxda koowaad ee Arsenal.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *