EURO

Talyaaniga Oo Guul Weyn Ku Furtay Euro 2020, Wacdarihii Immobile Iyo Insigne Iyo Wayabihii Laga Bartay Kulankii Furitaanka Euro 2020.

Xulka qaranka Talyaaniga ayaa guul weyn ku furtay tartanka xiisaha badan ee Euro 2020 kadib markii ay 3-0 uga badiyeen xulka qaranka Turkiga ciyaar ka dhacdey garoonka Estadio de Olimpico ee magaalada Roma.

Talyaaniga ayaa hogaanka ciyaarta qabtay daqiiqadii 53aad qeybtii labaad ee ciyaarta waxaana gool aan ku talagal ahayn iska dhaliyey daafaca kooxda Juvertus Merih Demiral kadib karoos ka yimid Berardi oo garabka uga dheela xulka talyaaniga.

Waxaana goolka labaad talyaaniga u dhaliyey weeraryahanka SS Lazio Ciro Imobile ka dib caawin uu ka helay Leonardo Spinazzola waxaana goolka sadeexad talyaaniga udhaliyey xidiga Lorenzo Insigne kadib caawin uu ka helay Ciro Imobile.

Talyaaniga oo markii ugu horeysay dhaliyey 3 gool kulan ka tirsan European Championship ayaa sameeyey 24 iskuday ciyaartii ay 3-0 uga badiyeen xulka Turkiga iyagoo ilaashaday 28 kulan oo aan laga badin tan iyo Sebtember 2018.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *