EURO

Talyaaniga Oo Garaacay Belgium Una Soo Gudbay Semi-Finalka Euro 2020.

Xulka qaranka Talyaaniga ayaa guul qurux badan ka gaaray dhigiisa Belgium kulan ka tirsanaa wareega 8-da Euro 2020.

Talyaaniga oo 32 kulan aan laga badin ayaa goolasha uga mahadcelinaya xidigaha Nicola Barella iyo Insigne oo shabaqa soo taabtay qeybtii hore ciyaarta iyadoo goolka kaliya ee Belgium oo rigoore ah uu u dhaliyey weeraryahanka Inter Milan Lukaku.

Belgium ayaa helay fursado dhowr ah oo halis badan balse nasiib daro uma suura galin inuu dhaliyo goolka barbaraha ah waxeyn sidaas uga hareen tartanka Euro 2020.

Leanardo Spinazzola oo daafaca bidix uga ciyaara kooxda Roma iyo xulka talyaaniga ayaa dhaawac looga saaray dhamaad-kii ciyaarta isaga oo seegi inta ka harsan tartanka Euro 2020.

Xulka talyaaniga ayaa semi final-ka Euro 2020 wajihi doona xulka qaranka Spain oo dhankiisa rigoore-yaal uga soo gudbatay xulka Switzerland.



Qiimeynta Ciyaartoydii Dheeshay Kulanka:

Belgium: Courtois (6), Toby Alderweireld (6), Thomas Varmaelen (6), Jan Vertonghen(5), Thomas Meunier (6), Youri Tielemens (6), Axel Witsel (7), Thorgan Hazard (6), Kevin De Bruyne (7), Jeremy Doku (8), Romalu Lukaku (7).

Badalada La Isticmalay:
Nacer Chadli (5), Dries Martens (6), Dennis Praet (6),

Italy:
Gigi Donnarumma (7), Giovanni Di Lorenzo ( 7 ), Leanardo Bonnuci ( 8 ), Giorgio Chiellini ( 7 ), Leanardo Spinazzola ( 8 ), Jorginho ( 8 ), Nicolo Barella ( 8 ), Marco Verrati ( 7 ), Faderico Chiesa ( 8 ), Ciro Immobile ( 5 ), Lorenzo Insigne ( 8 ).

Badalada La Isticmaalay:

Bryan Cristante ( 6 ), Andre Belloti ( 6 ), Emerson Palmieri ( 6 ), Domenico Berardi ( 6 ), Rafael Toloi ( 6 ).

Xidigii Ugu Wanaagsanaa Ciyaarta: Lorenzo Insigne.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *