EURO

Tababaraha Xulka England Gareth Southgate Oo sharaxay Sababta Uu Sancho Iyo Chilwell Uga Reebay Shaxdiisa Kulankii Croatia.

Tababaraha xulka England Gareth Southgate oo lagu dhaliilay doorashada xidigihiisa kulankii ay guusha 1-0 ah ka gaareen xulka Croatia tartanka Euro 2020 ayaa sharaxay sababta keentay inuu kasoo tago xidigaha Jadon Sancho iyo Ben Chilwell.

Southgate oo sharaxayey sababta uu uga soo tagay Sancho iyo Chilwell ayaa yiri: waxey aheyd nasiib daro maqnaanshaha 2-da xidig kaliya waxaan magacaabi karnaa 23 ciyaaryahan inagoo dabooleyna boosas gaar ah, wuxuuna hadalkiisa kusoo xiray inuusan jecleyn inuu xidigo ka reebo xulka tartan weyn.

Dad badan ayey layaab la noqotay in Southgate booska daafaca bidix usoo xushay Kieran Trippier isagoo heli kara xidigaha Luke Shaw iyo Ben Chilwell oo dhamantood ka ciyaara booska daafaca bidix.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *