EURO

Sterling Oo Guul Ku Hogaamiyey Xulka England Tartanka Euro 2020..

Xulka qaranka England ayaa guul ku furtay tartanka xiisaha badan ee Euro 2020 kadib guul 1-0 ah oo ay ka gaareen xulka qaranka Croatia gool uu dhaliyey qeybtii labaad xidiga Man City Raheem Sterling.

Sterling oo kusoo bilaawdey kulankan si lama filaan ah ayaa dhaliyey gool-ka qura ee England guusha siiyey kubad uu kasoo shaqeyey xidiga Leeds United Kalvin Philips isagoo xulka England u diray kaalinta 1aad ee kala sareynta group D.

Qeybtii hore ee ciyaarta Phil Foden ayaa kusigtay inuu hogaanka udhiibo xulka lagu naaneyso sadexda libaax balse kubada ayaa uga dhacdey qeybta hoose ee birta goosha.

Guusha xulka England ku furtay Euro 2020 ayaa ka dhigeysa iney booska 1aad galaan kala sareynta Group D kahor kulanka labaad ay la leeyihiin xulka qaranka Scotland maalinta Jicmaha ee nagu soo wajahan.

Qiimeynta Ciyaartoydii Dheeshay:

England: Pickford (6), Walker (5), Stones (6), Mings (7), Trippier (6), Rice (7), Phillips (8), Mount (7), Foden (7), Sterling (8), Kane (6).

Badalka: Rashford (6), Bellingham (lama qiimeyn), Calvert-Lewin (lama qiimeyn)

Croatia: Livakovic (6), Vrsaljko (6), Vida (5), Caleta-Car (6), Gvardiol (5), Modric (6), Brozovic (5), Kovacic (6), Rebic (5), Kramaric (5), Perisic (5).

Badalka: Vlasic (5), Brekalo (6), Petkovic (lama qiimeyn), Pasalic ( lama qiimeyn)

Xidiga Garoonka: Raheem Sterling (England).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *