EURO

Spain Oo Dhibaato Hor Leh Lasoo Deristay Xidig Muhiim U Ahaa Shaxdooda Oo Laga Helay Covid-19.

Xidiga qadka dhexe uga ciyaara xulka qaranka Spain iyo kooxda Barcelona Sergio Busquets ayaa laga helay xanuunka Covid-19 baaritaan la marsiiyey kadib ciyaartii u dhaxeysay xulalka Spain iyo Portugal.

Busquets oo kabtan u ah xulka Spain tartatanka Euro 2020 ayaa laga helay xanuunka Covid-19 iyadoo 5 beri kaliya ka harsantahay bilaabashada tartanka xiisaha badan ee Euro 2020.

Spain ayaa kulankooda furitaanka Euro 2020 la dheeli doona xulka Sweden isniinta 14-ka juun iyadoo sidoo kale group-ka E ku wajihi doonta xulalka Poland iyo Slovakia waxaana dhamaan kulamada lagu ciyaari doona garoonka Estadio La Cartuja ee kuyaala Sevilla.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *