Premierleague

Son Hueng-min Oo Ilmada Ceshan Waayey Kadib Dhamadkii Final-ka Carapao Cup.

Weeraryahanka kooxda Tottenham Son Hueng-min ayaa ooyin jabsadey ka dib guuldaradii 1-0 aheyd ee ka soo gaartay Manchester City finalka Carabao Cup.

Dhamaadkii qeybtii labaad ee ciyaarta gool uu madaxa ku dhaliyey Aymeric Laporte ayaa ka saacidey kooxda Man City inay ku guuleystaan ​​markii afaraad League Cup-ka iyadoo ay u soo daawasho tageen finalkaas tageerayaal dhan 8,000.

Inakatoo qeybtii labaad Spurs soo bandhigtay ciyaar qurux badan hadana waxey awoodi waayeen iney gaaraan shabaqa kooxda Man City.

Kadib markii garsoore Paul Tierney uu dhameeyey ciyaarta xidiga reer Shouth Korea ayaa ceshan waayey ilinta xili city udabaal dageysay hanashada Carapao Cap-ka, waxaana iskudayey iney ulaab qaboojiyaan xidigaha City ee Ilkay Gundogan iyo Phil Foden.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *