Premierleague

Sheekada Aadan Ogeyn Ee Dhexmartay Patrice Evra Iyo Heesaaga Caanka Ah Ee Liam Gallagher Kadib Guuldaradii Man City Ee Final-ka Champions League-ga.

Daafacii hore ee Man United iyo xulka France Patrice Evra Oo Man United kula guuleystay Champions League 2008 ayaa soo duubay muuqaal isagoo xiran buruko iyo muraayadaha indhaha si uu isagu ekeysiiyo Liam Gallagher oo ah heesaa caan ah oo taagera kooxda Man City iyadoo heesta caanka ah ee Oasis ee Wonderwall ay udaarantahay.

Patrice Evra ayaana hadalkiisa ku bilaabay “Liam xageed joogtaa”? waaad xasuusataa oo igu qosleysay markii Man United ay guuldareysatay, mrkaan waa markaaga, “waxba hamaseyrin waxaan doonayaa inan Liam kula wadaago in maalin isniin oo gaar ah ay kuu tahay, jooji inaad tiraahdo Manchester waa buluug, waxaan heystaa koobab ka badan inta ay heysato dhamaan kooxdaada.

Evra iyo Liam ayaa wadaagay kaftan kooban bishii october ee lasoo dhafay iyadoo Evra uu sheegay in Man City aysan qaadi doonin Champions League-ga weligood isla markaasna Liam ayaa soo qoray jawaab aheyd “soo dhowaaw Evra waad taqaan midaas” taasi oo keentay in Evra uu ku digto Liam kadib guuldaradii soo gaartay Man City final-kii Champions League-ga.

Liam ayaa ah heesaa caan ka ah gudaha ingiriiska wuxuuna tageero buuxda uyahay kooxda ka ciyaarta horyaalka ingiriis-ka ee Manchester City.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *