Bungesliga

Sami Khedira Oo Ku Dhawaaqay Inuu Ka Fariisanayo Ciyaaraha.

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe uga ciyaari jiray kooxaha Real Madrid iyo Juventus Sami Khedira ayaa shaaca ka qaaday inuu ka fariisan doono ciyaaraha ciyaartii ugu dambeysay ee uu uciyaaray kooxdiisa haatan Hertha Berlin.

Khedira, oo 34 jir ah, ayaa xirfadiisa ciyaareed ka soo bilaabay kooxda VfB Stuttgart isagoo ka caawiyey iney ku guuleystaan horyaalka jarmal-ka xilli ciyaareedkii 2006-2007 ka hor inta uusan ku biirin Real Madrid, halkaasoo uu kula guuleystay horyaalka Spain iyo Champions League-ga.

Khedira ayaa 2015-kii ku biiray Juventus isaga oo kula guuleystay 5 horyaal-ka talyaaniga ah kadib waxa uu usoo wareegay kooxdiisa haatan ee Hertha Berlin isagoo ka caawiyey ineysan ulaaban heerka labaad ee horyaalka jarmalka.

Kadib ciyaartii kooxdiisa Hertha Berlin la yeelatay Hoffenheim sabtidii khedira ayaa Twiter-ka kusoo qoray “waxaa lagaaray waqtigii aan idin dhihi lahaa macsalaamo waan ku faraxsanahay inaan fursad uhelay inaan wada qaadano waqtiyo qaas ah, mahadsanidiin dhamaan taageerayasha, saaxiibada kooxda, tababarayaasha iyo sidoo kale qoyskeyga iyo asxabteyda”

Khedira aya uciyaaray xulka jarmalka 77 kulan isagoo udhaliyey 7 gool wuxuuna ka caawiyey iney ku guuleystaan koobkii aduunka 2014 lagu qabtay Brazil.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *