EURO

Roberto Martinez Oo Ka Hadlay Qorshaha Uu Dejiyey Si Ay U Celiyaan Cristiano Ronaldo!

Tababaraha xulka qaranka Belgium Roberto Martinez oo ka hadlayey kulanka u dhaxeeya xulalka Belgium iyo Portugal wareega 16-ka Euro 2020 ayaa sheegay in aysan dejin wax qorshe gaar ah si ay u celiyaan weeraryahanka kooxda Juventus iyo xulka Portugal Cristiano Ronaldo.

Roberto Martinez ayaa sheegay in aysan diyaarin qorshe gaar ah oo ay ku celinayaan Cristiano Ronaldo isaga oo sheegay in dhamaan xidigaha xulka Portugal ay isaga difaaci doonan si siman.

Marka aad qorsho gaar ah u dejisato xidig gaar ah waxaa ku dhibaateyn doona xidigaha kale, dabcan Ronaldo wuxuu helaa daqiiqado sax ah, baas sax ah iyo fursado sax ah, waana in aad marweliba ka warheysaa isaga, balse waa inaad iska difaacdaa 10-ka xidig ee Portugal dhexda ugu jira si isku mid ah,

Waxaan ubahanay inaan ahano kuwo isla jaanqaada, waxaan ubahanahay inaan ahaano kuwo adag waana inan u difaacanaa koox ahaan ayuu hadalkiisa kusoo xiray Roberto Martinez isagoo ka qeyb galayey shirka jara,id kahor ciyaarta.

Xulalka Belgium iyo Portugal ayaa cawa wada ciyaarayi doona kulan ka tirsan tartanka Euro 2020 wareega 16-ka waxaana lagu ciyaari doona garoon-ka Estadio de La Cartuja ee wadanka Spain.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *