Laliga

Real Madrid Oo Weyn Karta Kroos iyo Modric Kahor Kulanka Chelsea.

Kooxda Real Madrid ayaa ayaa laga yaaba iney weyso xidigaheeda qadka dhexe Toni Kroos Iyo Luka Modric kulanka Champions League-ga ay la ledahay isbuuca dambe kooxda Chelsea.

Xidiga udhashay Jarmalka ee Toni Kroos ayaa dareemaya xanuun daran iyada oo la ogyahay inuu kasoo laabtay waajibaadka qarankiisa bishii maarso sidoo kale xidiga ayaanan ciyaarin 2dii kulan ee ugu dambeysay kooxdiisa la ciyaartay kooxaha Gatafe Iyo Cadiz kulmo katirsan horyaalka Spain.

Sidoo kale xigida reer Croatia ee Luka Modric waxaa soo gaaray dhawac dhabarka ah isaga oo seegay kulankii kooxdiisa laciyaartay Cadiz arbacadii.

Dhanka kale xidigaha Ramos iyo Vazquez ayaa ka maqnaan doona kooxda Real Madrid kulanka talaadada ay la ciyaarayan koxda Chelsea balse Ferland Mendy ayaa lagayaaba inuu diyaar noqdo kulanka ka dhicidoona garoonka kooxda Real Madrid ee Alfredo Di Stefano.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *