EURO

Rasmi: Xulka Scotland Oo Xaqiijiyey In Billy Gilmour Laga Helay Covid-19!!

Xulka qaranka Scotland ayaa xaqiijiyey in da,yarka qadka dhexe uga dheela kooxda Chelsea iyo xulka Scotland Billy Gilmour laga helay caabuqa Coronavirus kadib baaritaan lagu sameeyey.

Gilmour ayaa seegi doona kulanka xiga ee xulkiisa Scotland laciyaari doono xulka Croatia tartanka Euro 2020 group-ka D wuxuuna geli karantiil mudo dhowr iyo toban maalin ah.

Scotland ayaa rajo fiican ka qabta usoo bixitaanka wareega xiga ee tartanka Euro 2020 iyagoo garoonka Hampden Park kula ciyaaraya xulka Croatia habeen dambe waxaana ku filan guul ay ka gaaraan xulka Croatia.

Gilmour oo ahaa xidigii garoonka ciyaartii xulkiisa Scotland barbaraha la galay xulka England ayaan nasiib uyeelan doonin inuu wajaho xulka Croatia balse waxuu xulkiisa Scotland kusoo laaban karaa hadii ay usoo baxaan wareega 16ka tartanka Euro 2020.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *