Xulalka

Rasmi: Mohamed Salah Oo Noqday Kabtanka Cusub Ee Masar.

Xigida reer masar una ciyaara kooxda liverpool Mohamed Salah ayaa nasiib uyeeshay inuu noqdo kabtanka cusub ee xulka qaranka Masar.

Tababare Hossam EL-Badry ayaa xaqiijiyey in Mohamed Salah yahay kabtanka cusub ee masar isaga oo yiri: waxaan qaadanay go,aankan madama kulama soo socda ay ubaahanyihiin xasilooni iyo firfircooni dheeri ah oo ay kujirto calaamada Kabtanimada.

Sido kale xiriirka kubada cagta ee masar EFA ayaa shegay in go,aanka uu yimid kadib markii tababaruhu latashaday ciyaartoydii Salah kahoreysay dhamantoodna ay taageeren go,aanka calamada hogaaminta loogu dhiibay Salah.

Salah ayaana ah ciyaaryahanka 2aad ee ugu goolasha badan xulka qaranka masar isaga oo dhaliyey 43 gool waxaana ka goolal badan oo kaliya Hossam Hassan oo dhaliyey 68 gool.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *