European Super League

Rasmi : Mancity Oo Xaqiijisay Iney Kabaxdey Tartanka European Super League.

Kooxda kubada cagta ee Manchester City ayaa xaqiijisay inay si rasmi ah uga baxdey tartanka European Super League kadib 2maalmood kahor oo ay saxiixday kamid noqoshadiisa.

Dad badan ayaa kafalceliyey go,aanka kooxda mancity waxaana kamid ah Madaxweynaha Uefa Aleksander Ceferin oo sheegay inuu ku faraxsan yahay go’aanka kooxda mancity ee ku aadan kasoo bixitaan kooda tartanka ESL.

Sidoo kale raisul wasaraha UK Boris Jonhson ayaa soo dhoweeyey go,aanka kooxda mancity ee kabixitanka tartanka ESL isaga oo yiri: “waxey qaateen go,aan wanagsan waxaan filayaa in kooxaha kale soo raaci doonan mardhow”.

Ugu dambeyn Mancity ayaa noqoneysa kooxdii 2aad ee kadhisan gudaha england ee kasoo baxda tartanka European Super League waxaa kahoreysay kooxda Chelsea oo kalhore xaqiijisay kabixitaanka tartankaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *