EURO

Rasmi: Donny van de Beek Oo Seegaya Euro 2020 Dhaawac Soo Gaaray Dartiis.

Xidiga qadka dhexe uga ciyaara kooxda Manchester United iyo xulka Holland Donny van de Beek ayaa seegaya tartanka xiisaha badan ee Euro 2020 kadib dhaawac soo gaaray dartiis.

van de Beek ayaa 19 kulan usaftay xulka qaranka Holland wuxuuna kulankii ugu dambeeyey u ciyaaray xulka Holland ciyaar dhacdey bishii March oo ay 7-0 uga badiyeen xulka qaranka Gibraltar isreeb reebka koobka aduunka 2022.

Xulka Holland ayaa kulankooda furitaanka Euro 2020 la ciyaaraya xulka qaranka Ukraine maalin axad ah 13-ka juun waxaana sidoo kale xulka Holland laga saaray goolhayaha kooxda Vallencia Jasper Cillessen oo laga helay xanuunka Covid-19 waxaana booskiisa lagu badalay goolhayaha AZ AIKmaar Marco Bizot.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *