EURO

Rasmi: Christian Eriksen Oo Laga Soo Saaray isbitaalkii Uu Ku Jiray Kadib Qaliin Lagu Guuleystay!!

Christian Eriksen ayaa laga soo saaray isbitaalka uu kaga jiray magaalada Copenhagen kadib qaliin lagu guuleystay oo lagu sameeyey.

Xidiga reer Denmark ayaa ku jiray isbitaalka Rigshospitalet ee magaalada Copenhagen oo loola soo cararay markii uu wadnuhu istaagay kulankii furitaanka Euro 2020 xulkiisa Denmark uu guuldarada kala kulmay xulka Finland.

Warbixin kasoo baxday xiriirka kubada cagta ee Denmark ayaa lagu sheegay in Eriksen laga soo saaray isbitaalka kadib qaliin guuleystay waxaana uu booqday asxaabtiisa xulka qaranka Denmark iyo shaqaalaha tababarka ee ku sugan helsingor.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *