EURO

Rasmi: Ben White Oo Lagu Badalay Booska Uu Alexander Arnold Ka Dhaawacmay Xulka England.

Xidig yaraha difaaca dhexe uga ciyaara kooxda Brighton & Hove Albion ee Ben White ayaa lagu buuxiyey booska xulka England uu dhawaca kaga baxay Alxenader Arnold oo seegaya tartanka xiisaha badan ee Euro 2020.

Ben White ayaa markiii horeba lagu soo daray 33-da ciyaaryahan ee hordhaca u ahaa xulka England balse hada ayaa si toos ah loogu wacay si uu ubuuxiyo booska uu ka baxay Alexander Arnold kahor ciyaarta furitaanka England ay la leedahay Croatia maalinta axada ah ciyaar ka dhici doonta garoonka Wembley.

Ben White oo 23jir ah ayaa ka ciyaari kara difaaca dhexe iyo qadka dhexe ee burburiyaha ah wuxuuna kulankiisa ugu horeeyey xulka England usaftay ciyaar saaxiibtinimo oo England 1-0 kaga badisay xulka qaranka Austria.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *