Premierleague

Raali Noqo Mudane”Tababaraha Brighton Oo Raali Gelin Buuxda Siiyey Pep Guardiolla Kadib Dabaal Degii Layaabka Lahaa Uu Sameeyey.

Tababaraha kooxda Brighton Graham Potter ayaa ka raali geliyey Pep Guardiolla dabaal degii cajiibka ahaa ee uu sameeyey kulankii kooxda Brighton guusha ka gaartay Man City.

Kooxda heysata Premier League-ga ayaa ku hormartay 2 gool balse soo laabasho cajiib ah kadib kooxda Brighton ayaa guuldaro 3-2 ah dhabarka usaarisay kooxda tababare Pep Guradiollla inkastoo daqiiqadii 10aad uu kaarka cas ka qaatay Man City difaaca midig Joe Cancelo kadib markii uu jilaafay weeraryahanka Brighton Dany Welbeck.

Kadib markii uu garsooruhu dhameeyey ciyaarta waxaa la arkayey Potter iyo Guardiolla oo murmaya iyadoo sidoo kale shaqaalaha labada dhinac murmeen.

Wareysi uu BBC Sport siiyey kadib dhamaadkii ciyaarta ayuu Graham Potter ku sheegay in tababaraha iyo shaqaala kooxda Man City ka xumadeen dabaal dagii uu sameeyey goolkii uu dhaliyey Trossard.

Mar laweydiiyey isku dhaca isaga iyo Guardiolla ayuu yiri “si aad ah ayaan udabaal degay goolkii 1aad ee kooxdena waana ka cudur daaranayaa midaas, kaliya waxey aheyd xamaasad”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *