Champions league

Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Real Madrid Iyo Chelsea.

Kooxaha Real Madrid iyo Chelsea ayaa wada ciyaaray xalay kulan katirsan Uefa Champions League ciyaar kadhacdey garoonka Real Madrid ee Alfredo Di Stefano.

Kulanka ayaa kusoo dhamaaday barbaro 1-1 ah goolal ay kala dhaliyeen xidigaha Pulisic iyo Benzema qeybtii hore ee ciyaarta, Chelsea ayaa hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 14aad kadib gool uu dhaliyey Cristian Pulisic kubad uu ladhaafay goolhaya Real Madrid Courtois balse Real Madrid ayaa latimid goolka barbaraha daqiiqadii 29aad ee ciyaarta kadib gool qurux badan oo uu dhaliyey xidiga reer France Karim Benzema, waxaana xidiga garoonka kulankaasi loo doortay qadka dhexe ee Chelsea N’golo Kante kadib ciyaar qurux badan oo uu soo bandhigay kalankaas.

Qiimeynta Ciyaartoyda Kulanka:

Real Madrid :
Courtois: 7, Eder Militao 6,Raphael Varane 6, Nacho 6, Dani Carvajal 6, Casemiro 6, Toni Kroos 5, Luka Modric 5, Marcelo 5, Karim Benzema 8, Vinicius jr 6,.

Badalka : Eden Hazard 6, Alvaro Ordiozola 6, Marco Asensio 6.

Chelsea: Mendy 6, Andreas Christensen 6, Tiago Silva 6, Antonio Rudiger 6, Cesar Azpilicueta 6, Jorginho 7, N’golo Kante 8, Ben Chilwel 6, Mason Mount 7, Christian Pulisic 8, Timo Werner 5.

Badalka: Hakim Ziyech 6, Kai Havertz 6, Reece James 6.

Xidigii Ugu Wanagsanaa: N’golo Kante.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *