World Cup 2022

Qatar Oo Sheegtay Taageerayaasha Kaliya Ee Loo Ogolyahay Iney Kasoo Qeyb Galaan Koob-ka Aduun-ka ee 2022, Waa Kuwee??

Dowlada Qatar ayaa ku dhawaaqday in tageerayaasha laga talaalay xanuunka Covid-19 Oo kaliya loo ogolyahay iney kasoo qeyb galaan koobka aduunka ee 2022 lagu qaban doono Doha Qatar.

Raysal wasaaraha Qatar Sheikh Khalid Bin Khalifa Bin Abdulaziz Al Thani ayaa sheegay in Qatar aysan aqbali doonin taageerayaasha aan laga talaalin xanuunka Covid-19 koobka aduunka ee 2022 lagu qaban doono Doha Qatar.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ay wada hadal kula jiraan shirkad sameysa talaalka Covid-19 si ay uga helaan 1million oo talaalka Coronavirus ah inkastoo uusan sheegin magaca shirkada ay wada hadalka kula jiraan.

Lusail Iconic Stadium

Qatar ayaa isku diyaarineysa martigelinta koobka aduunka ee 2022 iyadoo dhistay garoomo waa weyn waxaana ka mid ah garoonka Lusail Stadium kaasi oo lagu qaban doono final-ka koobka aduunka ee sanadka 2022.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *