Serie A

PSG Oo Ku Dhow Iney Dhameystirto Saxiixa Goolhayaha Milan Donnarumma.

Kooxda ka dhisan horyaalka France ee Paris Saint-Germain ayaa kudhow iney dhameystirto saxiixa goolhayaha xulka qaranka talyaaniga iyo kooxda Ac Milan Gianluigi Donnarumma qaab xor ah.

Donnarumma oo 22jir ah ayaa heshiiska uu kula jiro Milan ku egyahay dhamaadka bishaan isagoo qaab xor ah ugu biiri kara kooxdii uu doono .

PSG ayaana la rumeysanyahay iney Donnarumma usoo bandhigtay 5 sano oo heshiis ah sanadkiina uu qadanayo £10.3 Millon oo ay ku jirto gunooyin gaar ah.

Donnarumma ayaa haatan gudanaya waajibaadka qarankiisa talyaaniga waxaana lagayaabaa inuu caafimaadka PSG ugu maro xarunta tababarka xulka qaranka talyaaniga kahor kulankooda furitaanka ay ka leeyihiin Turkey Euro 2020.

Ac Milan ayaa horey ula soo wareegtay goolhayihii kooxda Lille ee Mike Maignan si uu badal ugu noqdo goolhaye Donnarumma oo ka tagaya kooxda Milan dhamaadka bishaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *