Serie-A

Olivier Giroud Oo Heshiis Shaqsi Ah Lagaaray Kooxda Ac Milan.

Weeraryahanka kooxda Chelsea iyo xulka France Olivier Giroud ayaa lagu soo waramayaa inuu ogolaaday heshiis uu ugu biirayo kooxda reer talyaani ee Ac Milan.

Giroud oo 34 jir ah heshiiska uu kula jiro Chelsea waxa uu ku egyahay dhamaadka bishaan wuxuuna dalab ka helayaa kooxda reer talyaani ee Ac Milan oo dooneysa saxiixiisa.

Sida laga soo xigtay Sky Italia Giroud ayaa ogolaaday heshiis 2 sano ah oo ay u soo bandhigtay kooxda Ac Milan isagoo sanadkiba qaadan doona €3.5m una dhiganta £3m oo lagu daray gunooyin dheeri ah.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Ac Milan aysan weli wax heshiis ah lagaarin kooxda Chelsea balse Giroud ayaa rajeynaya in Chelsea ay u ogolaan doonto inuu si bilaash ah kaga tago kooxda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *