Laliga

Mourinho Oo Qiil Layaableh Usameeyey Hoos Udhaca Ku Yimid Eden Hazard!!

Jose Mourinho oo ka hadlayey hoos u dhaca ku yimid qaab ciyaaredka xidiga Real Madrid Eden Hazard ayaa sheegay In Hazard uusan ahayn ciyaaryahan ku wanagsan dhanka tababarka kooxdiisa.

Hazard oo 30 jir ah waxaa soo gaaray 8 dhaawac oo kala duwan xili ciyaaredkii dhamaaday ee 2020-21 isaga oo seegay ku dhowaad 50 kulan oo ay dheeshay kooxdiisa Real Madrid tan iyo markii uu chelsea kaga soo dhaqaaqay aduun lacageed oo dhan £88 million.

Hazard ayaa kaliya 2 kulan kusoo bilaawday shaxda Real Madrid tan iyo bishii January ee sanadkaan wuxuuna la kulmay dhaleceyn uga imaaneysay dhanka taagerayaasha kooxda Real Madrid oo ku aadan inuusan taam aheyn markasta sidoo kalena miisaanka jirkiisa uu aad u kordhay.

Morurinho oo lahadlayey Talk Sport ayaa sheegay in Hazard uusan sifiican u qaadan tababarka xiliga lagu jiro is diyaarinta kulamada wuxuuna intaas ku daray in hadii Hazard uu sifiiican u qaato tababarka uu noqon doono xidig aad u wanagsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *