European Super League

Moller : Waxaan Rajeynayaa In Tartanka Laga Saaro kooxaha Real Madrid, Chelsea Iyo Mancity.

Chelsea, Manchester City iyo Real Madrid ayaa laga saari doonaa Champions League toddobaadkan, sida uu sheegay xubin ka tirsan Uefa, Jesper Moller.

Moller ayaa sheegay inuu filayo seddexda koox ee weli ku lugta leh semi-finalka champions-league laga saari doono tartanka maalinta Jimcaha, ka dib markii ay ku dhawaaqeen ka qeyb qaadashadooda European super league.

Moller oo ah madaxa FA-ga Denmark, ahna xubin katirsan UEFA wuxuu sheegay inuu jiri doono kulan aan caadi ahayn oo udhaxeeya guddiga fulinta Uefa maalinta jimcaha si ay go.aan uga gaaran aayahooda.

Haddii saddexda kooxood laga saaro tartanka waxey lamicno tahay in PSG ay noqon doonto ku guuleystaha tartankaasi xili ciyaaredkan.

In kastoo PSG sidoo kale loo maleynayo inay ka fiirsaneyso ku biirista mashruuca Super League oo ay saxiixeen 12 kooxood oo kadhisan qaarada yurub.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *