Champions league

Milkiilaha Man City Oo Bixin Doona Qarashka Taagerayasha Man City Ee Final-ka Champions League-ga.

Milkiilaha Manchester City Sheikh Mansour ayaa bixin doona kharashaadka ku baxaya safarka taageerayaasha Man City ee final-ka Champions League, Man City iyo Chelsea ayaa loo ogol yahay midkasta 6,000 oo taageerayaal ah iney tagaan garoonka final-ka Champions League-ga ee 29 May.

Final-ka Champions League-ga ayaa lagu balansanaa inuu kadhaco Garoonka Ataturk ee magalada Istanbul balse codsiyo ka yimid 2da kooxood ayaa lagu badalay goobta kadib markii dowlada UK Turkiga kudartay wadamada qaba halista COVID-19 iyado tagerayasha usheegtay inaan loo safrin gudaha Turkey.

Isaga oo hadlaya Sheikh Mansour wuxuu yiri: “Pep Guardiolla iyo kooxdu waxay kujiraan xilli ciyaareed aad u wanaagsan waxa ay gaareen Finalka Champions League-ga ka dib sanado badan waxay u tahay taariikh midaasi naadiga. “Sidaas darteed waa ay wanagsantahay in taageerayaal badan intii suurtogal ah ay jaanis u helaan inay ka soo qeyb galaan kulankaan gaarka ah. Gaar ahaan kuwii taageerayey Manchester City waqtiyadii wanaagsanaa iyo kuwii xumaa sanado badan.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *