Serie A

Maurizio Sarri Oo Kooxdiisa Cusub Ee Lazio Ka Dalbaday In Loo Keeno Xidig U Ciyaara Chelsea.

Tababaraha cusub ee dhowaan loo magacaabay shaqada kooxda Lazio ee Maurizio Sarri ayaa kooxdiisa cusub ka dalbaday in loo soo gacan geliyo xidiga Chelsea amaahda uga maqan ee Ruben Loftus-Cheek.

Loftus-Cheek oo 25 jir ah ayaa xili ciyaaredkii dhamaaday amaah kula joogay kooxda Fulham oo heerka labaad ee ingiriiska ulaabatay isagoona usaftay 32 kulan dhamaan tartamada oo dhan.

Sarri ayaa Loftus-Cheek soo maamulay hal xili ciyaareed oo uu tababare u ahaa kooxda Chelsea waxaana uu xiligaasi Loftus-Cheek ku tilmaamay inuu noqon karo mid kamid ah dhexda ugu fiican caalamka.

Loftus-Cheek ayaa dhaawac uusoo gaaray dhamaadkii 2018-2019 waxaana uu garoomada ka maqnaa ku dhowaad 13 bilood balse hada waxaa uu sameynayaa hormar wanagsan taasi oo Sarri ku dhalisey in kooxdiisa ka dalbado saxiixa xidiga reer England.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *