Serie A

Masimo Morrati Oo Kula Taliyey Inter Milan Iney Lasoo Saxiixdaan Xidig Muhiim U Ah Chelsea.

Madaxweynihii hore ee kooxda Inter Massimo Moratti ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa hadii Inter Milan Lasoo wareegto xidiga qadka dhexe ee chelsea N’golo Kante.

Wareysi uu siiyey Sky Sport Italia ayu kushegay inuu faraxsanyahay waqtina laqaatay qoyskiisa kadib guushii Inter Milan ee horyaalka talyaaniga xagaagan.

Moratti ayaa rumeysan in guushii Inter Milan ee horyaalka talyaaniga xagaagan iney noqon doonto mid wadada ufurta guulaha inter milan ee sanadaha soo socda.

Masimo Morrati ayaa sidoo kale amaan balaaran ujeediyey N’golo Kante Isaga oo sheegay inuu taagero buuxda u yahay xidigan reer france, sidoo kale uu jeclaan lahaa inuu mar uun ku arko maaliyada kooxda inter milan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *