Premierleague

Marko Van Basten Oo Kula Taliyey Xidig U Ciyaara Chelsea Inuu Isaga Tago Kooxdaas, Maxey Tahay Sababta??

Halyeyga reer Holland Marko Van Basten ayaa kula taliyey Hakim Ziyech inuu ka tago Chelsea xagaagan madaama Thomas Tuchel uu san aheyn macalin kuhaboon isaga.

Xiddiga reer Morocco ayaa Chelsea kaga soo biiray Ajax xagaagii hore, wax badan ayey tagerayasha Chelsea ka filanayeen ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee reer Moroco, balse dhaawacyo iyo kulamo badan oo uu keydka fadhiyey ayaa keentay in uusan yeelan sameyntii laga filayey.

Ziyech ayaa dhaliyey goolka kaliya ee Chelsea ka caawiyey iney gaaraan finalka FA Cup-ka xili xiyaarendkan kadib guul 1-0 ah oo ay ka gaareen Man City balse xidiga ayaa lafariisiyey keydka kulankii Chlesea guusha kagaartay West ham united sabtidii.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *