Premierleague

Marcus Rashford Oo Doortay Xidiga Ugu Dheereeya Manchester United, Yuu Udoortay??

Xidiga xulka qaranka Ingiriiska iyo kooxda Manchester United Marcus Rashford ayaa ka dhawaajiyey in Daniel James uu yahay ciyaaryahanka ugu dheereeya kooxda Manchester United waqti xaadirkan.

Weeraryahanka Manchester United ayaa aaminsan in Daniel James uu ugu orod badanyahay kooxda oo dhan marka lala bar bardhigo xidigaha Alex Telles, Mason Greenwood iyo Fred oo dhamaantood ah xidigo dheereeya.

Mar uu u waramayey warbaahinta gudaha ee Manchester United Rashford ayaa yiri: “hadii aan daacad u hadlo Daniel James wuxuu ku guuleysan lahaa orodka 100-ka mitir inkastoo aynaan weli tartamin isaga hadana Daniel James ayaa ah xidiga ugu orodka badan kooxda oo dhan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *