EURO

‘Maquusan Doono’ Christian Eriksen Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Xaaladiisa Iyo Rajada uu Kaqabo Inuu Markale Ciyaaro.

Christian Eriksen oo istaaga ka dhacay kadib markii wadnaha looga soo booday kulan xulkiisa Denmark la lahaa xulka Finland tartanka Euro 2020 ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xaalada halista ah ee uu galay.

Eriksen ayaa marka ugu horeysa u mahadceliyey dhaqaatiirta caafimaadka iyo xidigaha ay isku wadanka yihiin isagoo yiri: ‘waad mahadsantihiin dhamaantiin, ma quusan doono, hada waan wanagsanahay, laakiin waxaan doonayaa inan ogaado waxa dhacay’.

Xaalada Eriksen ayaa hada wanaagsan wuxuuna ku jiraa isbitaal ku yaala magaalada Copenhagen iyadoo lagu sameynayo baaritaano dheeri ah si loo ogaado waxa sababay xanuunka kusoo booday ciyaartii xulkiisa Denmark guul darada kala kulmay xulka Finland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *