Premierleague

Manchester United Oo Markale Laga Soo Diiday Dalab Ay Ka Gudbisay Jadon Sancho!!

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in laga soo diiday dalab cusub oo ay ka gudbisay xidiga kooxda Borussia Dortmond iyo xulka england Jadon Sancho.

Sancho oo xili ciyaareedkii dhamaaday kooxdiisa Dortmond u dhaliyey 8 gool sidoo kalena caawiyey 11 kale horyaalka jarmalka ayaa bartilmaameed u ahaa Manchester United ku dhowaad laba sano iyadoo tababare Solskajaer uu doonayo inuu ku xoojiyo shaxda kooxdiisa sanadka cusub.

Sida uu daabacay wargeyska kasoo baxa jarmalka ee Bild Manchester United ayaa gudbisay dalab cusub oo dhan €69.5m oo u dhiganta £60m balse kooxda Dortmond ayaa soo diiday dalabkaas madama uu wax badan ka hooseyo qiimaha Dortmond ku rabto xidigeedaa Jadon Sancho.

Dortmond ayaa ku qasban in ay hoos udhigto qiima xidigeeda reer England sabab la xiriirta saameynta dhaqaale uu abuuray Covid-19 balse diyaar uma ahan iney aqbasho qiimo ka yar €90m oo u dhiganta £78m iyo gunooyin dheeri ah.

United ayaa la filayaa in ay gudbiso dalab cusub oo ku dhow qiimaha Brussia Dortmond ku rabto xidigeeda isbuucyada soo socda waxaana macquul ah markaas in dalabkooda xiga laga soo aqbalo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *