Premierleague

Manchester United Oo Ka Cabsi Qabta In Paul Pogba Uu Si Xor Ah Kaga Tago Kooxda Sanadka Dambe!!

Kooxda Manchester United ayaa ka cabsi qabta heshiiska sii dhamaanaya ee xidigeeda reer France Paul Pogba oo kujira sanadkii ugu dambeeyey heshiiskiisa kooxda waxaana ay isku diyaarineysaa iney wadahadalo heshiis kor dhin ah la furto wakiilka xidiga reer France.

Paul Pogba oo qandaraaskiisa kooxda Manchester United uu dhacayo 2022 ayaa laba jeer horey u sheegay inuu doonayo inuu katago kooxda Manchester United tan iyo markii uu kooxda Man United kaga soo biiray dhanka kooxda Juventus 2016-dii.

Pogba ayaa markii ugu horeysay 2018-dii sheegay inuu kooxda ka tagayo kadib markii ay isku dhaceen tababare Jose Mourinho oo xiligaasi tababare u ahaa kooxda Manchester United balse waxa uu haatan waqti fiican ku hoos qaadanayaa tababare Solskajaer taasi oo ka saacidi karta United iney heshiis cusub ka saxiixdaan xidigeeda reer France.

United ayaa sidoo kale dooneysa iney ogaato rabitaanka xidiga reer France kahor inta aan lagaarin sanadka 2022 oo heeshiiskiisa kooxda uu dhacayo markaasi iyadoo usoo bandhigeysa heshiis cusub oo waqti dheer ah hadii uu diidana waxey doonayaan iney iibiyaan kahor 2022.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *