Premierleague

Manchester United Oo Dalab Cusub Ka Gudbisey Jadon Sancho!!

Kooxda Manchester United ayaa lasoo warinayaa in dalab cusub oo £75 Million ah ka gudbisey garabka xulka qaranka England iyo Kooxda Borussia Dortmond Jadon Sancho.

Sida ay ku warameyso majalada Sky Sport United ayaa weli ku jirta raacdada Jadon Sancho iyadoo Kooxda Dortmond ay ka fiirsaneyso dalabka cusub ee Man United ka dib markii ay horey uga diiday £67m.

Sancho oo Dortmond ku biiray 2017 isagoo markaas ka soo dhaqaaqay kooxda Man City ayaa xili ciyaareed kale oo qurux badan ku qadanaya horyaalka Jarmalka isagoo 16 gool dhaliyey 14 kalena cawiyey.

Sida la ogyahay Dortmond ayaa xidigeeda ku dooneysa aduun lacageed oo dhan £80 million balse qiimaha ayaa kor u kici kara hadii Sancho uu u safto xulka England tartanka Euro 2020.

Sancho ayaa ka maqnaa xulka England kulankii furitanka Euro 2020 wuxuuna sidoo kale ahaa badal aan la isticmaalin ciyaartii xulka England bareejada la galay xulka Scotland balse waxaa la rajeynayaa in uu ciyaaro kulanka xiga ee England iyo Czech Republic.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *