Premierleague

Manchester City Oo Dalab Qaali Ah Ka Gudbisay Weeraryahanka Tottenham Harry Kane.

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa iney dalabkii ugu horeeyey oo £100m ah ka gudbisay weeraryahanka Tottenham iyo xulka England Harry Kane oo xagaagan ka tagaya kooxdiisa Spurs.

Tababaraha Manchester City Pep Guardiolla ayaa doonaya in Harry Kane uu keeno kooxda si uu badal uga dhigo Sergio Aguero oo ku biiray kooxda reer Spain ee Barcelona.

Man City ayaa tartan xoogan kala kulmeysa kooxda ay isku magaalada yihiin ee Manchester United iyo kooxda reer London ee Chelsea kuwaasi oo doonaya dhankooda iney la saxiixdaan weeraryahanka Spurs Harry Kane.

Kane ayaa haatan hogaaminaya xulka qaranka England ee ciyaaraya tartanka Euro 2020 inkastoo uusan wax saameyn ah ku yeelan 2-dii kulan ee xulkiisu dheelay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *