Premierleague

Man United Iyo Liverpool Oo Isha Ku Haya Garabka Kooxda Nordsjaeland Kamaldeen Sulemana.

Kooxaha Man United Iyo Liverpool ayaa ka mid noqday kooxaha doonaya xidiga reer Ghana iyo kooxda Nordsjaeland Kamaldeen Sulemana.

United ayaa indho indheeyayaal udirtay kulankii kooxda Nordsjaeland barbaraha 2-2 ah lagashay Copenhagen waxeyna doonayaan iney wadahadalo la furaan ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee reer Ghana Kamaldeen Sulemana.

United ayaa tartan kala kulmeysa kooxaha Ajax iyo Liverpool xiisaha loo qabo xidigaasi, iyadoo Ajax laga soo diiday dalab ay ka gudbisey Sulemana bishii January ee sanadkaan.

Sulemana ayaa loo saadaalinayaa inuu noqdo ciyaaryahanka ugu wanagsan ee Ghana tan iyo Michael Essien isaga oo dhaliyey 6gool 6dii kulan ee ugu dambeysay uu ciyaaray Danish League, isagoo loo magacaabay xidigii ugu wanagsana Danish League bishii April.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *